Axmed Diiriye “Adeerayaal Nabadda Qaata”

Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ah afhayeenka garab ka mid ah odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye ayaa ka dalbaday dhinayada Dowlada la dagaalama in ay Nabadda qaataan.
Warar Keydmedia Online
Axmed Diiriye “Adeerayaal Nabadda Qaata”

Diiriye ayaa ku celceliyay baaqa ah in Nabadda la taageero isla markaana la joojiyo colaada ay dharaar walba iyo Galabnimadeeda ay ku geeriyoonayaan shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

Waxaa uu dhaliilay Axmed Diiriye koox kale oo ka mid ah Odayaasha oo iyaga afkaar ahaan taageersan xoogaga Dowlada ka soo horjeeda waxaana uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwa xishoodkii ka tagay isla markaana xiligan adag u taagan hurinta colaad iyo dhibaato.

Axmed Diiriye waxa uu ka mid ahaa Odayaal Codkooda ku soo saaray kooxaha iminka Dagaalka wada isla markaana ku tilmaami jiray kuwa xaq u taagan difaacayana Dalka.

ww.keydmedia.net