Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Arimaha Caqabadaha ku noqday ee ka hor imaanaya Axmed madoobe iyo Madaxweyne faroole ayaa waxaa u horeeya in ay kulan gaar ah magaalada Kismaayo ku yeesheen ilaa 6 Madaxweyne oo taageerayaashooda u doorteen Hogaamiyaha Jubbaland, islamarkaasina ay kaga hadleen arimo la xiriira danaha Bulshada ku dhaqan Kismaayo.
Madaxweynayaashaani kulanka ku yeeshay Kismaayo ayaa waxaa ka mid ahaa Coll Barre Aadan Shire Hiiraale iyo Xasan Xaaji Maxamed, iyadoona gaba gabadii kulankaasi la isku af gartay Dhowr qodob oo ay ka mid yihiin in la taageero Shirka Dib u heshiisiinta ee lagu soo dooranayo Maamulka saxda ah Jubbland, kaasoo ay qaban qaabineyso Dowladda Soomaaliya laguna wado in uu ka dhaco Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Caqabadahaani soo food saaray Axmed Madoobe ayaa waxaa ka mid ah in Dowladda Kenya ay garabkiisa ka sii baxeyso, taasoo u horkici jirtay wax waliba uu ka doonayo Magaalada kismaayo uuna u fulinjiray danaha gaarka ah ay Kenya ka leedahay Gobolada jubooyinka.
Haatan ayaa waxaa Axmed Madoobe iyo Ciidamada Kenya ee ku sugan Kismaayo soo foodsaartay Amarro kaga imaanaya dhanka Ururka Midowga Afrika, ka dib eedeentii uu u jeediyay Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud Ciidamada Kenya intuu socday Shirweynihii Ururka Midowga Afrika ee ka dhacayay magaala madaxda dalka Ethiopia ee Addis Ababa.
Ugu danbeentii arimahaani markii la eegoo gebi ahaantooda ayaa u muuqda mid caburinaya figradii ay ku fikirayeen Axmad Madoobe iyo faroole in ay meesha ka sii baxeyso, iyadoona Guud ahaan Bulshada soomaaliyeed badankooda ka soo horjeedaan maamulka ay sheeganayaan Kooxda Raaskanbooni ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe.
Keydmedia Online xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments