Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan yeelanaya

Kulamada baarlamaanka ayaa la kordhiyay maadaama mudda xileedka uu gabaabsi yahay.

Warar Keydmedia Online
Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan yeelanaya

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanada Gollaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya xaruntooda ku meel gaarka ah ee Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka ayaa ah akhrinta sedexaad ee Hindse sharciyeedka Qareennada Soomaaliyeed, sidoo kale waxaa ajandaha ka mid ah Akhrinta warbixinta guddiga Dastuurka ee barlamaanka federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa xalay fariin loo diray, iyadoona lagu war geliyay in ay soo xaadiraan kulanka Gollaha Shacabka maanta oo Arbaco ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.