Baaritaano ka socda Magaalada Muqdisho

Muqdisho (KON) - Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa Saaka Baaritaano Xoogan ka wada Qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.
Warar Keydmedia Online
Baaritaano ka socda Magaalada Muqdisho

Baaritaanada ayaa ka socda Xaafada Seey-biyaano,Siliga Ameerikaanka ee Dagmada Hodan ee Gobolka Banaadir,waxaana Saaka Xiran Wadada isku xirta Isgooyska Banaadir iyo Ex-Contorol Afgooye.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Baaritaanada wada Saaka ayaa waxaa la soo sheegayaa in ay Qab qabteen Dad Farabadan oo Dhalinyaro u badan,kuwaas oo Xabsiyada La dhigay.

Dadka Goobjoogeyaasha ah ayaa Keydmedia online u sheegay in Ciidamada Booliska ee Soomaaliya ay ugu yaraan Qab qabteen dad Gaaraya 50 Ruux oo Dhalinyaro u badan.

Dadka Howlgalka lagu qabtay oo Saaran Gawaarida Ciidamada Booliska ee Shabaqlaha loo yaqaano ayaa lagu arkayey Xaafada Seey-biyaano ee Degmada Hodan.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya,gaar ahaan kuwa Booliska wali kama hadlin Howlagalka Saaka,waxaana sidoo kale Dadka intooda badan ay yihiin kuwo ku jira Guryaha oo aan soo bixin Saaka.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho