Baarlamaanka Somaliland oo gudoon cusub doortay

Wuxuu ahaa tartanka mid adag, oo looga adkaadey Xisbiga talada haya ee Kulmiye, kaasoo doorashadii May 31 ku guuldareystay inuu helo aqlabiyadda Xildhibaanada.

Warar Keydmedia Online
Baarlamaanka Somaliland oo gudoon cusub doortay

HARGEYSA, Soomaaliya - Xisbiga Muuse Biixi ee Kulmiye ayaa looga adkaadey doorashada gudoonka Gollaha Wakiiladda Somaliland oo Maanta ka dhacday magaaladda Hargeysa.

Xildhibaan C/risaaq Khaliif oo ka socda Waddani, ayaa loo doortay xilka Afhayeenka Baarlamaanka Somaliland, isagoo ka guuleystay Yaasiin Faratoon, oo ka socday Kulmiye, xisbiga talada haya hadda.

C/risaaq Khaliif ayaa helay 42 cod, halka uu Faratoon ku guuleystay 39 cod, sida uu ku dhawaaqay gudoomiyaha Maxkamadda Sare oo shir gudoominayay doorashadda, oo u dhacday qaab gacan-taag ah.

Saciid Mire Faarax ayaa loo doortay xilka gudoomiye ku-xigeenka 1aad, halka ku-xigeenka 2aad noqonayo Cali Xaamud, oo katirsan UCID, oo isbahaysi la ah Waddani, kuna heshiiyay inay Kulmiye afka ciida u daraan, oo iyaga kala qeybsadaan kuraasta gudoonka.

Labada gudoomiye ku-xigeen waxay katirsan yihiin UCID, oo uu hogaamiyo Faysal Cali Waraabe, oo mudo-dheer kusoo jiray siyaasadda Somaliland, islamarkaana tartamo uu u galay Madaxweyne looga adkaaday.

Saciid ayaa helay 41 cod, iyadoo Cali Xaamud helay 43 cod. Waxaa doorashadda codadkooda dhiibtay 81 Xildhibaan oo kamid ah 82-kursi oo Gollaha ka kooban yahay, kuwaasoo la doortay May 31, 2021.

Baarlamaanka Somaliland ayaan doorasho galin tan iyo 2005, iyadoo dhowr jeer dib loo dhigayay codbixinta sababo la xiriira khilaafyo siyaasadeed oo jiray iyo kala qeybsanaan Xisbiyadda kula kala qeybsameen dhismaha gudiga doorashadda.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 18:56

Khabiir amni ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in la furo baariska dilkii Injineer Yariisow, si xal loogu helo, xaaladda cakiran ee la xariirta baarista kiiska Ikraan Tahliil Faarax, iyo saraakisha kale ee NISA.