Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan yeelanayo iyo muddo kororsi laga cabsi qabo

Ajandaha kulanka maanta ayaa ah Akhrinta koowaad ee Sharciga Dambiyada Galmada la xiriira, balse waxaa shaki badan laga muujinayaa in guddoonka Golaha uu si lama filaan ah miiska u soo saaro, uguna dhawaaqo ajenddaha la xiriira muddo kordhinta baarlamaaka afarta bil u harsantahay. 

Warar Keydmedia Online
Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan yeelanayo iyo muddo kororsi laga cabsi qabo

MUQDISHO, Soomaaliya - Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan xasaasi ah ku yeelanaya xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho, waxaana laga cabsi qabaa in uu muddo kororsi labo sano ah ku dhawaaqo.

Waxaa sii xoogeysanaya wararka tuhunka ah ee la xiriira arintaan oo maalmihii la soo dhaafay la hadal hayay, waxaana xildhibaanada Gollaha Shacabka oo xalay fariin loo diray lagu war geliyay in ay soo xaadiraan kulanka maanta oo Sabti ah.

Ajandaha kulanka maanta ayaa ah Akhrinta koowaad ee Sharciga Dambiyada Galmada la xiriira, balse waxaa shaki badan laga muujinayaa in guddoonka Golaha uu si lama filaan ah miiska u soo saaro, uguna dhawaaqo ajenddaha la xiriira muddo kordhinta baarlamaaka afarta bil u harsantahay.

Arintaan ayaa soo ifbaxeyso kadib xildhibaanno badan oo maalmahaan kulamo ku yeelanayay magaalada Muqdisho, kuwaas oo la xiriiro in Baarlamaanka haatan jiro uu bedeli karo kaliya baarlamaan kale, kaas oo hadda diyaargarowgiisa muuqan.

25 bishii la soo dhaafay ayay ahyed markii kulan sidaan oo kale ah ay Golaha Shacabka yeesheen, kaasoo ajnediisa ahaa arrimaha doorashada 2020/21, haseyeeshee markii la bedelay laguna riday xukuumaddii Ra'iisul Wasaare Kheyre .

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.