Baarlamaanka oo xili kala guurlka ka wada hadli doona

MUQDISHO(KEYDMEDIA) Waxaa lagu wadaa saacadaha soo socda in xarunta golaha shacabka ee magaalada muqdisho ay xildhibaanada ku yeeshaan kulan looga hadlayo xaalada xili kala guurka dowlada KMG ah.
Warar Keydmedia Online
Baarlamaanka oo xili kala guurlka ka wada hadli doona

Qaar ka mid ah xildhibaanada oo keydmedia la hadalay ayaa waxa ay sheegeen in kulanka lagu faaqidi doono aragtiyo ay kala qabaan madaxda dowlada oo ku aadan sida loo wajahayo xiliga kala guurka ah.

Xildhibaanada qaar ayaa sii saadaalinaya in kulanka aanu ka soo bixi dooninin natiijo wax ku ool ah, maadaama mudooyinkanba la hadal hayay afkaar ahaan dhanka siyaasada in ay sii kala fogaanayaan madaxda dowlada.

Www.keydmedia.net