Baladweyne oo Nin lagu Dilay Meydkiisana Yaxaaska lo tuuray

Moqadishu (Keydmedia) - Bulshada ku dhaqan Baladweyne ayaa ka xumaaday Wiil dhalinyara ah oo todobaadki hore ay Ciidamada Maamulka Dooxada Shabelle ay jir dileen kadibna ay Meydkiisana ku tuureen wabiga Shabelle.
Warar Keydmedia Online
Baladweyne oo Nin lagu Dilay Meydkiisana Yaxaaska lo tuuray

Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray C/raxmaan Muxumed Nuur (Mataan) ayaa ahaa macalin wax ka dhiga iskuulka agoonta Baladweyne, waxaana uu ka mid ahaa rag ay ku eedeeyeen maamulka Dooxada Shabelle in ay soo abaabuleen qaraxi ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay magaalada.

Sida ay sheegayaan goobjoogayaasha Mataan ayaa waxaa gurigiisa kala soo baxay ciidamo kadibna jirdil ku sameeyey inti ay sii wadeen iyaga oo geeyey jiinka webiga oo ay ku toogteen, marki uu dhintayna meydkiisa raacsiiyey wabiga.

“Maalinti qaraxa dhacay ee Itoobiyaanka la qarxiyey ayaa waxaa baaritaano sameeyey niman isku sheegayo mas,uuliyiin, waxay guri kasoo baxsadeen Wiil ina adeerkeey ah C/raxmaan Muxumed Nuur (Mataan) wuxuu ahaa nin macalin ah oo magaalada oo dhan laga yaqaanay, wuxuu macalin ka ahaa dugsi agoonta, gacmaha ayaa laga soo xiray waa la garaacay dadkoo dhan ayaa fiirsanayey, waxaa kadib la geeyey meel magaalada geeskeeda ah oo wabiga agtiisa ah, waxaa xabado loogaga dhiftay madaxa caloosha iyo lugaha, isla markiina waxaa lagu tuuray wabiga, dadki qaraabada ah ayaa wabiga ka raadiyey kadibna waxaa laga soo

Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka reer Baladweyne ayaa ka codsadya dowlada KMG Soomaliya in aysan ku fududaan dilka dadka ay ka shakiyaan, balse ay soo saaraan maxkamad si dadka ay u helaan cadaalad.

Keydmedia.net