Banaanbax ka dhacay Beledweyne

Dadka caraysan ayaa gubey sawirka Xildhibaanka, iyagoo sidoo kale watay boorar ay ku qoran yihiin erayo ay kamid yihiin Kursiga degaankiisa halagu soo celiyo.

Warar Keydmedia Online
Banaanbax ka dhacay Beledweyne

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Boqolaal qof oo dhalinyaro, dad da' ah iyo haween isagu jira ayaa maanta banaanbax ka dhhigay magaaladda Beledweyne, ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dadkan ayaa kasoo horjeedeen kuriga Xildhibaan Cabdifitaax Qaasim oo kamida Gollaha Shacabka ee BF, oo deegaan doorshadiisa tahay Baladweyne oo loo wareejiyay Jowhar.

Waxay ugu baaqeen gudoonka Gollaha Shacabka iyo Gudiga Doorashooyinka Soomaaliya in ay Kursiga dib ugu celiyaan Baladweyne oo marka hore laga doortay.

Xildhibaano dhowr ah ayaa doonaya in Kursiga ay ku fadhiyaan lagu doo doorto degaan aysan beelahooda deganayn, si aysan u waayin.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.