Banaanbax ka dhacay Muqdisho, Cadaado iyo Gaalkacyo

Sidoo kale, waxay dibadbaxyada ka dhaceen Gaalkacyo, Burco iyo magaalooyin kale oo kamid ah Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Banaanbax ka dhacay Muqdisho, Cadaado iyo Gaalkacyo

MUQDISHO, Soomaaliya - Banaanbaxyo ayaa maanta ka billowday qeybo kamid ah Soomaaliya, kuwaasoo looga soo horjeedo hadalkii Madaxweynaha Faransiiska ee ugu gefay diinta Islaamka.

Magaalooyinka Muqdisho, Cadaado iyo Gaalkacyo ayay ka dhaceen dibadbaxyada ka dhanka ah Macron, waxayna dadka wadooyinka calanka Faransiiska, iyagoo ku baaqey in la joojiyo iibsashadda badeecooyinka dalkaasi.

Macron ayaa Arbacadii ku eedeeyay diinta Islaamka inay tahay isha dhibaatooyinka ka taagan aduunka, isagoo taageeray sawir gacmeedyada loola jeedo Nebi Muxamed NNKH oo uu daabacay wargeys dalkaasi ku yaalla.

Dunida Muslimka ayaa si isku mid ah looga cambaareeyay hadalka Macron, oo kiciyay carada dadka Muslimiinta, oo dalal badan ka dhigaya banaanbaxyo waaweyn oo lagu difaacayo Diinta Muslimka iyo Nebi Muxamed NNKH.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 3 August 2021 11:58

Waxaa la rumeysan yahay in Jibriil Saciid Cali Xuseen, ay gacantiisa ku maqan yihiin dad kale oo ajaaniib ah, kuwaas oo badankood la khaarijiyay kadib markii la isku fahmi waayay lacagihii ay Al-Shabaab u codsadeen madax-furashada.