Banaanbax ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (KON) - Banaanbax lagu Taageerayo Guulaha Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ka gaareen Dagaalka Al-shabaab ayaa Maanta lagu qabtay Muqdisho.
Warar Keydmedia Online
Banaanbax ka dhacay Muqdisho

Dibadbaxa ayaa waxaa lagu qabtay Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir, waxaana ka soo qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukumada Soomaaliya oo kala ah Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Gaashaandhiga, waxaa sidoo kale goobjoog ahaa Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida, kusimaha Gudoomiyaha Gobolka, Gudoomiyaasha Degmooyinka Muqdisho iyo Saraakiil Ciidan.

Ujeedka dibadbaxa ayaa ahaa in Shacabka Muqdisho ay Taageeraan Howlgalka Badweynta Hidiya ee Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ay ka wadaan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Gashaandhiga oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay guulo ka gaareen Dagaalada dalka ka socda.

Waxaa sidoo kale ay Shacabka ugu baaqeen in ay Taageeraan Ciidamada Huwantaa ee wada dagaalka ka dhanka ah Maleeshiyada Al-shabaab.

Sidoo kale Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka sida ayaa madasha ka sheegay in Askarigii Shacabka ku Xad gudba lala Xisaabtami doono.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho




    Warar 14 September 2020 23:49

    Keydmedia Online ayaa waxaa soo gaartay nuxurka Shirka Muqdisho ee Dowladda Federaalka iyo Madaxda Maamul Goboleedyada oo goor dhawayd lagu soo kala dareeray maalinkii Labaad.