Banaanbaxayaal: Qoor Qoor iyo Farmaajo doonimeyno, dhiig Sokeeye doonimeyno

Boqolaal dumar u badan ayaa isagu soo baxay qaar kamid ah wadooyinka Muqdisho, iyagoo kasoo horjeeda dagaalka Farmaajo iyo Qoor-Qoor ka guriyeen Guriceel.

Warar Keydmedia Online
Banaanbaxayaal: Qoor Qoor iyo Farmaajo doonimeyno, dhiig Sokeeye doonimeyno

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa Maanta Muqdisho ka dhacay banaanbax ballaaran, oo looga soo horjeedo dagaalka sokeeye ee ka socda magaaladda Guriceel, ee G/Galgaduud.

Boqolaal dumar u badan ayaa isagu soo baxay qaar kamid ah wadooyinka Muqdisho sida Tarabuunka, iyagoo kasoo horjeeda dagaalka Farmaajo iyo Qoor-Qoor ka guriyeen Guriceel.

Dadkan oo aad uga careysanaa dhiiga sida micna la'aanta loogu daadinayo colaadda Guriceel ayaa ku dhawaaqayay: "Qoor Qoor iyo Farmaajo doonimeyno, dhiig Sokeeye doonimeyno".

Guriceel xaaladda waxay dad badan sheegeen in Galmudug khatar ku tahay, islamarkaana loo baahan yahay wadahadalka oo fure u yahay horumarka iyo nabada maamulkan jilicsan.

Qoor-Qoor tanaasul la'aantiisa iyo qaadashadda talada Farmaajo oo dalka dhibaato horey loo arag geliyay mudadii uu xafiiska joogay, ayaa keentay in Galmudug dagaal sokeeye gasho.

Muqdisho ayaa looga keenay Ciidanka uu Qoor-Qoor ku burburinayo Galmudug, waxaana tani ay nijad-jab ku tahay shacabkii u oomanaa isbedelka iyo nidaamka dowladnimada.

Maalintii 3aad ayuu dagaal ka socdaa Guriceel, waxayna labada dhinac ku kala sugan yihiin xaafadaha magaaladda, iyadoo illaa hadda dadka colaadda ku dhintay ay gaarayaan 30 qof.

Wararka ayaa sheegay in dhanka waqooyi ee Guriceel, gaar ahaan Jaamacada uu ka dhacay Maanta dagaal kooban. Xaafada waxaa ku sugan hogaamiyeyaasha Ururka Ahlu Sunna.

Dadka shacabka intooda badan way ka baxeen magaaladda, waxayna UNOCHA ay sheegaysaa in boqolaal kun ay qaxeen, kuwaasoo ku dhibaateysan degaanada duleedka ku yaalla.

Isbitaalka Istarliin oo ah xarunta caafimaad ee shaqeynaysay waxaa ku dhacay madaafiic maalintii shalay, taasoo khatar gelisay bukaanadii jiifay ee kusoo dhaawacmay dagaalka.

MD Qoor-Qoor ayaa taariikhda Galmudug ka galay baal-madow, isagoo lagu xasuusan doono "dagaal ooge", wax qabad la'aan iyo inuu maamulka ka dhigtay NGO uu ku daneysto.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 December 2021 18:32

Boobkii doorashada ee sababay dilkii MW Soomaaliya iyo isku dhajintii xukunka ee keentay burburka dalka ayuu Farmaajo dib u soo celiyay, wuxuu diiddan yahay banneynta xaafiiska iyo hirgalinta doorasho xalaal ah.