Banaanbaxyo looga soo horjeedo Farmaajo oo ka dhacaya Muqdisho

Dhanka kale, Farmaajo ayaa Ciidamo kusoo daadiyay wadooyinka Caasimadda, si uu uga hortago banaanbaxa, waxaana la xiray wadooyinka waaweyn ee magaaladda.

Warar Keydmedia Online
Banaanbaxyo looga soo horjeedo Farmaajo oo ka dhacaya Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Maanta waxaa Muqdisho lagu qabanayaa banaanbaxyo ballaaran oo shacabka ay uga soo horjeedaan Maamulka Farmaajo, oo dalka mustaqbalkiisa god ku riday.

Taageeriyaasha Midowga Musharxiinta Mucaaradka ayaa soo qaban-qaabiyay dibadbaxyadda oo ah kuwa waaweyn oo cadaadis lagu saarayo Villa Somalia inay qabato doorashooyinka xor iyo xalaal, oo loo dhan yahay.

Dhanka kale, Farmaajo ayaa Ciidamo kusoo daadiyay wadooyinka Caasimadda, si uu uga hortago banaanbaxa, waxaana la xiray wadooyinka waaweyn ee magaaladda.

Farmaajo ayaa noqday kaligii-taliye aan xushmad u heynin dastuurka iyo shuruucda dalka, isagoo meesha ka saaray doorashooyinkii Soomaaliya ee afartii sano mar la qaban jiray, oo sanadkan baaqday.

Mucaaradka iyo Maamul goboleedyada qaar, sida Jubbaland iyp Puntland ayaa qaadacay gudiyadda uu Farmaajo sameeyay, oo ka kooban Nabad Sugid iyo Shaqaale dowladeed kuwaasoo iska cad inay isaga ugu shubi doonaan codadka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.