Banaanbaxyo looga soo horjeedo Faroole oo ka dhacaya Gaalkacyo

Gaalkacyo (KON) - Waxaa ilaa iyo Saakay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ka socda Banaanbaxyo balaaran oo looga soo horjeedo mudo korarsiga Faroole iyo Nabadoonadii Shalay lagu xiray Garoowe.
Warar Keydmedia Online
Banaanbaxyo looga soo horjeedo Faroole oo ka dhacaya Gaalkacyo

Dadka banaan baxyada Gaalkacyo ka dhigay ayaa si wada jir ah u sheegay inay kasoo horjeedaan Faroole inuu marlabaad kusoo laabto Xukunta Maamulka Puntland.

Banaanbaxyadaan oo ay kasoo qeybgaleen Nabadoonada ka soo jeeda gobalkaasi Mudug, dadweyne badan oo ay ku jiraan Haween iyo Caruur ayaala sheegay inay Boqol kor u dhaafeen.

Xaalada Magaalada ayaa haatan kacsan kadib markii Ciidamda Maamulka Puntland lagu soo daadshay Dariiqyada.

Sidoo kale Dadkaan ayaa weerar ku qaadeen xarunta gobalka.

Keydmedia Online - Xafiiska Gaalkacyo




Warar 25 November 2020 19:57

Madaxweynaha ayaa ku fashilmay siyaasadda, hirgelinta Federaalka, amniga iyo qabashadda doorasho qof iyo qof ah oo uu balan-qaadey markii la doortay 4 sano kahor.