Bannaan-baxyo xooggan oo ka socda Gaalkacyo

Bulshada ka qeyb galeysa dibad-baxa ayaa garab istaaag xooggan u muujiyay Ciidanka huwanta ah ee u istaagay xoreynta Mudug.

Warar Keydmedia Online
Bannaan-baxyo xooggan oo ka socda Gaalkacyo

GAALKACYO, Soomaaliya – Isku soo baxyo xooggan oo looga soo horjeedo kooxda Al-Shabaab, lagauna garab taagan yahay ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Daraawishta Galmudug, ayaa ka socda Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug, oo uu ku jiro Wasiirka Warfaafinta Falagle, Maamulka degmada Gaalkacyo, Saraakiisha Ciidanka, Culima Owdiinka iyo Odayaasha dhaqanka ayaa goob fagaare ah kula hadlaya bulshada.

Dadka ka qeyb galaya bannan-baxa oo isugu jira qeybaha kala duwan ee bulshada, ayaa wata boorar, ay ku xardhan yihiin erayo lagu muujiyay nacaybka ay bulshadu u qabto kooxda xiriirka la leh Al-qaacida ee Al-Shabaab.

Bulshada ka qeyb galeysa dibad-baxa ayaa garab istaaag xooggan u muujiyay Ciidanka huwanta ah ee u istaagay xoreynta Mudug.

Dadka shacabka ah ayaa aad uga careysan duullaankii ay shalay Kooxda Al-Shabaab, ku qaadeen degaanka Camaara oo bilaawgii bishaan gashay gacanta Maamulka Galmudug.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 19 January 2022 20:05

Wuxuu kordhiyay ilaaladiisa, wuxuu wax ka beddel ku sameeyay ilaalada xaafiiskiisa, wuxuu khatarta jirta ku wargaliyay saaxiibada ku dhow, wuxuuna amar feejignaan siiyay saraakiisa sida gaarka ah u qaabilsan amnigiisa.