Afhayeenka Barre Hiiraale “Shacabka Kismaayo waan xoreyneynaa” - Dhageyso

Kismaayo (KON) - Ciidamo ka Amar qaata Kornel Barre Aadan Shire "Barre Hiiraale” ayaa lagu soo waramayaa in ay Qarka u saran yihiin Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.
Warar Keydmedia Online
Afhayeenka Barre Hiiraale “Shacabka Kismaayo waan xoreyneynaa” - Dhageyso

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Barre Hiiraale ay Magaalada u soo jiraan ilaa 4KM, kuwaas oo doonaya in ay soo weeraraan Maleeshiyaadka Axmed Madoobe ee Raas-Kambooni.

Afhayeenka Ciidamada Barre Hiiraale C/rashiid Macalin Gaas ayaa Radio Kulmiye & Keydmedia Online u sheegay in ay Qarka u saaran yihiin Magaalada Kismaayo, duulaana ay ku yihiin Maleeshiyada Axmed madoobe.

"Goor dhow waxaan la waregeynaa Gacan ku-heynta Magaalada Kismaayo (...) Insha'allah Shacabka reer Kismaayo waxaan ka dulqaadeynaa Guumeeysiga Kenya iyo ONLF” Ayuu yiri C/rashiid.

Warka ayaa intaa ku daray in Magaalada Kismaayo ay ka taagan tahay Xaalad Cabsi ah, ayadoona Dadka ku nool Magaalada qaarkood ay bilaabeen in ay Barakacaan.

Ciidamado & Saraakiil hogaaminaysa ayaa Shalay isaga soo baxay Magaalada Kismaayo, kuwaasi oo ku biiray Ciidamada uu hogaaminayo Col. Barre Hiiraale oo ku sugan Deegaanka Goobweyn.

Gaas oo Shalay Keydmedia Online la hadlay ayaa sheegay in Ciidamada & Saraakiishooda oo watey Hubkoodii in ay yimaadeen Goobweyn, kadib markii ay isaga soo baxeen Maleeshiyada Raas Kambooni.

"Ciidamada waxa ay u adkeynsan waayeen Xadgudubka ay Maleeshiyo Beeleedka Raas Kambooni ku hayaan Shacabka Kismaayo, sidaasi darteedna waxa ay kusoo biireen Ciidamada xaq u dirirka ee ku sugan Goobweyn, waxaana ay qeyb ka noqon doonaan Duulaanka Jubbooyinka lagu xureynayo," ayuu yiri Macalin Gaas.

Xaaladda Kismaayo, ayaa wali ah mid aan deganayn, oo Xiisado Dagaal ka taagan tahay maadaama ay Maleeshiyada Raas Kambooni u kala safteen Labo Garab, qaab qabiil ah.

Keydmedia Online – Kismaayo