Goobe oo magacaabay Taliyaha NISA ee Gobolka Banaadir

Agaasimaha KMG ee hay’adda NISA uu dhawaan u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xil-gaarsiinta, aya magacaabay taliyaha Nabad-sugida gobolka Banaadir.

Warar Keydmedia Online
Goobe oo magacaabay Taliyaha NISA ee Gobolka Banaadir

MUQDISHO, Soomaaliya -  Agaasimaha KMG ee hay’adda Nabad-sugidda iyo Sir-doonka Qaranka, Sareeye Guud, Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe), ayaa Taliyaha Nabad-sugida ee Gobolka Banaadir u magacaabay, Muxidiin Mohamed Jimcaale (Warbac).

Xilkaan waxaa hore u hayay, Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Farey) oo 7/9/2021, uu Farmaajo qaab fowdo ah ugu magacaabay in uu si ku-meel gaar ah u hoggaamiyo Hay’adda NISA.

Magacaabiddan ayaa ku soo aadaysa xilli uusan Bashiir Goobe, wali xaadirin xarunta taliska NISSA, isla-markaana uu wali taagan yahay is-qabqabsiga siyaasadeed ee ka dhashay shaqo ka raacdeyntoo Agaasimihii hore ee hay’adda, eedeysane Fahad Yaasiin.

Ciidanka Waran ayaa dhawaan ka hor yimid in Farey oo Farmaajo soo magacaabay uu la wareego Taliska, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda uu si buuxda shaqada NISA ula wareego Sareeye Guud, Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe).

Hoos ka aqriso waraaqda ka soo baxday Xaafiiska Bashiir goobe.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.