Beelihii ku Dagaalmay Shabeellaha Dhexe oo la heshiisiinayo

Jowhar (KON) - Odayaal iyo Waxgarad ka soo jeeda Gobolka Sh/dhexe ayaa Maanta markii ugu horeeysay isisi soo hor fariisiyey Beelihii ku Dagaalamay Tuulooyinka bari ee Gobolka Sh/dhexe.
Warar Keydmedia Online
Beelihii ku Dagaalmay Shabeellaha Dhexe oo la heshiisiinayo

Waxgardka Wada Dhex-dhexaadinta ayaa sheegay in ay ku guuleeysteen in ay is ku keenaan Dhinacyadii dagaalamay si xal looga gaaro Dagaaladii dhacay.

Nabadoon Xasan qeyley oo kamid ah Waxgardka ku hoowlan xalinta Dagaal beeleedka ayaa Wariyaha Keydmedia Online ee Muqdisho u sheegay in Gogosha dhex dhexaadinta Maanta si toos ah loo furay, islamarkaana ay filayaan Natiijo wanaagsan in ay ka soo baxdo.

Dhinaca kale Tuulooyinkii dhawaan lagu dagaalamay ayaa waxa laga helay Meydadka ilaa iyo Saddex Ruux oo laga soo bixiyey meelo howd ah oo ka mid ah goobihii lagu dagaalamay sida uu mar kale uu noo sheegay Nabadon Qeyleey.

Meydadkaas ayaa isla Manta lagu aasay Tuulooyinkii ay ku dhinteen dhawana dagaaladu ay ka dheceen.

Lama saadaalin karo waxa ka soo bixi kara Gogosha lagu xalinayo dagaal beeleedkii ka dhacay Bariga Magaalada Jowhar ee Xaruunta Gobolka Sh/dhexe.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho