Beesha Caalamka oo war kasoo saartey Shirka Muqdisho

Saaxiibada caalamku waxay ka codsadeen madaxda Soomaaliya inay ka shaqeeyaan danta qaranka iyo himilooyinka dimoqraadiyadeed ee dadka Soomaaliyeed xilligan taariikhiga ah.

Warar Keydmedia Online
Beesha Caalamka oo war kasoo saartey Shirka Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Saaxiibada Soomaaliya ee beesha Caalamku ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan dib u bilaabashada wadahadaladii u dhaxeeyay DFS iyo shanta dowlad goboleed ee xubnaha ka ah Federaalka.

Qoraal ay si wadajir ah usoo saareen Maanta ayay ku ammaaneen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo’ iyo Madaxweynayaasha Maamullada ka-qaybgalka shirarkan muhiimka ah ee ka socda Muqdisho maalintii labaad.

Waxay ku boorrinayeen hoggaamiyeyaasha Soomaalida inay si buuxda uga wada-hadlaan si dhab ah oo ujeedkiisu yahay in heshiis ballaaran laga gaaro qaab doorasho oo lagu kalsoonaan karo, lana hirgelin karo.

Farmaajo ayaa loogu baaqay inuu saamileyda kale, sida Xisbiyada Mucaaradka iyo Bulshada rayidka lagu soo daro shirka, iyadoo wadahadalladu sii socdaan, si loo ballaariyo taageerada heshiiska iyo hirgelintiisa.

Saaxiibada caalamku waxay ka codsadeen madaxda Soomaaliya inay ka shaqeeyaan danta qaranka iyo himilooyinka dimoqraadiyadeed ee dadka Soomaaliyeed xilligan taariikhiga ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 20 September 2020 14:00

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa dhawaan shaaciyay inay magaalo kasta oo kamid ah Galmudug loo sameyn doono Golle degaanka, si shacabka ay usoo doortaan hogaamiyaasha ay doonayaan, oo aan dusha looga keenin.