Bilowga ololaha doorasho iyo safarka Shariif Sakiin ee Muqdisho

Shariif Xasan ayaa sheegay iney sunno tahay in dalka taladiisa ay noqoto qori isku dhiib, islamarkaana xilligaan aan loo baahneyn in la is mucaarado, isagoona ku baaqay in doorashada dalka ay ku dhacdo waqtigeeda, waxa uuna ka digay khilaaf siyaasadeed oo ka dhasha doorashada.

Warar Keydmedia Online
Bilowga ololaha doorasho iyo safarka Shariif Sakiin ee Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Magaalada Muqdisho waxaa shalay soo gaaray Madaxweynihii hore maamulka Koofur Galbeed, marna soo noqday Guddoomiyihii Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Shariif Xasan Sheekh 'Shariif Sakiin' oo mudaddii dambe laga waayay saaxadda siyaasadda Soomaaliya, ayaa hadda ah gudoomiye ku xigeenka Madasha Xisbiyada Qaran.

"Waxaa mahad wayn u celinayaa masuuliyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Muqdisho sida milgaha iyo maqaamka sare leh oo ay maanta aniga iyo wafdigayga inoogu soo dhoweeyeen caasimadda dalka wayna ku mahadsan yihiin” ayuu yiri Shariif Xasan.

Shariif Xasan ayaa sidoo kale sheegay iney sunno tahay in dalka taladiisa ay noqoto qori isku dhiib, islamarkaana xilligaan aan loo baahneyn in la is mucaarado, isagoona ku baaqay in doorashada dalka ay ku dhacdo waqtigeeda, waxaa uuna ka digay khilaaf siyaasadeed oo ka dhasha doorashada.

“Waa sunno in dalka taladiisa qoray isku dhiib laga dhigo doorashadana ay ku dhacdo si nabad ah oo aan khilaaf dhalin” ayuu yiri Shariif Xasan oo intaa ku daray in in laga wada qeyb qaato doorashada, ruux walibana calafkiisa uu qaadan doono,

Shariif Xasan ayaa dabayaaqada sanadkii 2018 iska casilay xilka madaxweynaha Koofur Galbeed kadib cadaadis ay saartay dowladda Soomaaliya, isagoona tan iyo markaa ku sugnaa Nairobi, waxaana soo rogaal celidiisa ee siyaasadda Soomaaliya lagu tilmaamayaa bilowga olole doorasho.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.