Biyo La’aan Ka Jirta Degmada Dhuusa-mareeb

Dhuusa-mareeb (KON)- Xaalad biyo la'aan ah oo aad u darran ayaa lagu soo waramayaa inay ka taagantahay degmada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobbolka Galgaduud kadib markii uu halaabay ama uu ciladoobay Ceelkii ugu weynaa ee biyaha siin jiray magaalada.
Warar Keydmedia Online
Biyo La’aan Ka Jirta Degmada Dhuusa-mareeb

Biyo la'aantaan ayaa waxaa si weyn looga dareemay magaalada iyo tuulooyinka ku teedsan, waxaana ay saameyn ballaaran ay ku yeelatay qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada iyo nawaaxigeeda.

Waxaa jira Ceel yar oo biyo aan badneyn ay ka helayaan dadka ku nool Dhuusamareeb, waxaana Fuustada biyaha ey maanta ka joogtaa Dhuusamareeb lacag dhan boqol kun oo shilinka Soomaaliga ah (Shs100) kaasoo ku afar jibaarmayo qiimihii hore.

Magaalada Dhuusamareeb waxaa ka socda dadaallo laoonayo sidii dib loogu cilad bixin lahaa Ceelka ciladoobay

Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho