Biyo La’aan ka jirta Degmooyin & Deegaanno ku yaalla Gobolka Gedo {Dhageyso}

Beled Xaawo (KON) - Xaalad Biyo la’aan ah ayaa laga soo sheegayaa Degmooyin ku yaalla Gobolka Gedo, ee Koonfur Galbeed Soomaaliya kadib markii ay Gureen/ dhamaadeen Ceelalkii Biyaha ee degmadaasi & Deegaanada hoostaga.
Warar Keydmedia Online
Biyo La’aan ka jirta Degmooyin & Deegaanno ku yaalla Gobolka Gedo {Dhageyso}

Suldaan Khaliif Xaaji Xasan oo ku sugan Belad Xaawo ayaa sheegay in Dhibaato Culus oo Haraad ah ay haysato Dadka & Duunyada/ Xoolaha kuu nool Tuulooyinka ku yaalla inta u dhaxaysa Degmooyinka Beled-Xaawo, Luuq & Garbahaarey.

Waxa uu intaasi raaciyey in Xaaladda ka jirtaa degmada ay tahay mid aad u daran oo Labo Sano Roob da'in, isla markaana waxa uu ku baaqay in Gargaar dhanka Biyaha u badan la gaarsiiyo dadkaasi oo markii hore Abaaraha la ildarnaa.

"Dadka & Duunyada Gobolka haddii aysan helin Maalmaha & Todobaadyada soo socda Roob ama Gurmad waxa ay khatar ugu jiraan inay u geeriyoodaan Haraadka taagan, waayo Ceelalkii Biyaha waxay noqdeen kuwa guray & kuwa Biyahoodii qaraaraaday oo aan la cabi karin," ayuu yiri Suldaan Khaliif Xaaji Xasan.

Suldaan Khaliif Xaaji Xasan, ayaa u diray Baaq Hay'adaha, Jaaliyadda Gobolka Gedo ee ku nool dalka Dibaddiisa & Dowladda Federaalkaa Soomaaliya inay wax u qabtaan Shacabka Dhibaatada Biyo la'aanta haysata.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

Hoos ka Dhageyso Wareysi uu Suldaanka siiyay Goobjoog FM:




    Warar 20 September 2020 14:00

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa dhawaan shaaciyay inay magaalo kasta oo kamid ah Galmudug loo sameyn doono Golle degaanka, si shacabka ay usoo doortaan hogaamiyaasha ay doonayaan, oo aan dusha looga keenin.