Biyo la’aan ka jirta Gobolka Gedo

Baled-xaawo(KON)-Maamulka Dowladda Soomaaliya ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in Xaalada Biyo la’aan ah ay ka jiro inta badan Gobolka Gedo ee Koofur Galbeed Soomaaliya.
Warar Keydmedia Online
Biyo la’aan ka jirta Gobolka Gedo

Xasan Sheikh Cilmi oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Gedo ayaa Keydmedia online u sheegay in Degmooyinka kala ah,Garbahaarey,Luuq,Baled-xaawo iyo Ceel waaq ay dhamaan ka jirto Biyo la’aan dadka haysata.

Xasan Sh ayaa sheegay in ay jiraan Caruur Haraad ugu geeriyootay Gobolka,laakiin uusan sheegen Tiradooda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya  ayuu ku Eedeyey in ay Indhaha ka qabsatay Dhibaatada Biyo la’aantaa ee ka jirta Gobolka Gado,waxaana uu Codsaday in Gargaar lala gaaro Dadka halkaa ku dhibaateysan.

Degmooyin badan oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa wali ka jira Abaaro iyo Biyo la’aan haysata dadka Reer Guuraaga ah.

Keydmedia online – Xafiiska Muqdisho