Boobka iyo dilalka Ganacstada Soomaaliyeed ee South Africa oo sii kordhaya

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guul-dareysatay inay difaacdno muwaadiniinta Soomaaliya ee lagu laynayo dalka South Africa.

Warar Keydmedia Online
Boobka iyo dilalka Ganacstada Soomaaliyeed ee South Africa oo sii kordhaya

CAPE TOWN, South Africa - Waxaa sanad walba sii kordhaya dilalka ganacstada Soomaaliyeed loogu geysto wadanka South Africa oo maalgashi xoog leh ay ku sameyeen 10-sano ee ugu dambeeyay.

Dalkan waxaa horey ula halgamaysay heerarka ugu sareeya adduunka ee dambiyada rabshadaha wata, waxayna hoy u tahay soogalooti ka kala yimid qaaradda Africa oo dhan. Laakiin Soomaalida ku nool ayaa sheegaya in dilka - iyo sidoo kale silsilado dhac iyo weerarro arxan-darro ah ay la kulmayaan.

Tobaneeyo Soomaali ah ayaa la sheegay in lagu dilay dalkan, gaar ahaan gobollada East iyo Western Cape bilihii la soo dhaafay taasoo u muuqata olole sii kordhaya oo rabshadaha ajnabi naceybka ah.

Waxaa ugu dambeeyay oo bishii May lagu dilay South Africa Cabduqaadir Cumar Billeey oo dabley hubeysan ku beegsadeen xaafadda Bellville ee katirsan magaalada Cape Town ee dalka, iyadoo ganacsigiisana la boobay.

Dilalka waxaa geysanaya Kooxo burcad ah, oo ku doodaya in shaqooyinkii dalkooda yaalla iyo ganacsigaba ay la wareegeen dad ajnabi ah oo Africa inteeda kala ka yimid, kuwaasoo u badan Soomaaliya iyo Itoobiyaan.

Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in xalay lagu dhacay saddex dukaan oo Soomaali leedahay degmada KwaNobuhle Township oo katirsan Eastern Cape, halkaasoo ay ka socdaan rabshado.

Booliska South Africa ayaa lagu eedeeyaa inay indha ka fiirsanayaan gumaadka loo geysanayo dadka soogalootiga ah, taasoo muujinaysa inay raali ka yihiin dilalkooda iyo dhaca hantidooda.

Dhanka kale, Dowladda Soomaaliya ayaa ku guul-dareysatay inay difaacdno muwaadiniinta Soomaaliya ee lagu laynayo dalka South Africa iyo dalal kale oo lagu dhibaateeyo.

Dilka Marxuumkaan ayaa noqonaya kii 35aad ee ka dhacay dalka Koofur Afrika sanadkaan 2021.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 18 October 2021 14:13

Tan iyo markii ciidamada difaaca Kenya soo galeen Soomaaliya 2011-kii, dalkaas ayaa marti-galiye nugul u noqday weerarro dhimasho iyo dhaawacba leh, oo lala bartilmaameedsaday  goobo ay ku jiraan Westgate Mall iyo hoteelka DusitD2 ee Nairobi.