Booliska Istanbul: Digniin Soomaalida ku socota

Booliska Magaalada Istanbuul ayaa farriin digniin ah usoo diray Soomaalida ku dhaqan waddanka Turkiga gaar ahaan magaaladaasi, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday Jaaliyadda Soomaalida. 

Warar Keydmedia Online
Booliska Istanbul: Digniin Soomaalida ku socota

ISTANBUL, Turkey - Xariir aan kala sameynay Booliskaka İstanbul Soomaali badan oo u uxiran ayey ku sheegeen in muqaadaraadka iyo meelaha lagu isticmaalo ay ka fogaadaan, İSHA BAYDHABO (Deegaanka Yusuf Paşa) ayey sheegeen inay jiraan dad ka ganacsada oo Carab iyo Afrikaan isugu jirta, qofkii lagu helana uu muteysan doono 10 sano oo xarig ah.

Waxay sheegeen inay jiraan dad danbi dalka kagalay oo lagu raad joogo, waxay intaas raaciyeen in Somalidu ay yihiin dad walalo ah ayna taxadaraan ilaaliyaana sharciga wadanka guud ahaan, “Sharcigu wuu ka sarreeyaa qof kasta ka jaaliyad ahaanna muwaadiniintena waan uga digeynaa markasta inay ilaaliyaan sharciga waddankaan” ayuu yiri wakiilka Jaaliyadda Soomaalida ee Magaaladda Istanbul. 

Waxa uu intaa sii raaciyay in inta badan uu lasoo wadaago isbadallada sharciyada İmmigration-ka. “Dad badan oo muwaadiniinteena ah oo sharciga loo diiday ayaa jira oo Faylashooda isbuuckasta kusoo dhacayaan Xafiiska Jaaliyadda aqoon la'aan la xiriirta isbadal sharciga iqaamada ah darteed , waxaana ugu baaqeynaa gaar ahaan dadka uxareynaya muwaadiniintena iqaamada inay masuuliyad iska saaraan shuruudaha immigration-ka ay ka rabto muwaadinka loo xareynayo inuu buuxiyo.” Ayuu yiri.

Ugu dambeyn, Booliska İstanbul waxay u xaqiijiyeen madaxda safaaradda in dadka uxiran ay soo deyn doonaan haduu rabbi idmo.

Jaaliyadda Soomaalida ee Istanbul waxay uga digtay muwaadiniinta Soomaalida in aan loo dhawaan meelaha la tuhunsanyahay oo fadhigoodu uusan fiicneen, sharciga waddankana in lasoo qaato ayaa lagu boorriyay, “Soco adoo wata iqaamadaada ama Passportigaada,” ayuu kula dardaarmay Soomaalida ku dhaqan waddankaasi, gaar ahaan kuwa ku nool caasimadda waddankaasi ee Istanbul.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.