Buuq hareeyay Kulanka Baarlamaanka Soomaaliya

Xildhibaanada qaar ayaa sheegay in hindise-sharciyeedka la horkeenay Gollaha Shacabka uu yahay mid kasoo horjeeda Diinta Islaamka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed.

Warar Keydmedia Online
 Buuq hareeyay Kulanka Baarlamaanka Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Buuq iyo sawaxan ayaa hareeyay fadhigii Maanta ay Xildhibaanada Gollaha Shacabka ku yeesheen xarunta Villa Hargeysa, oo ku dhex-taallo Madaxtooyadda Villa Soomaaliya.

Ajandaha Kulanka maanta ayaa ahaa Akhrinta Koowaad in la marsiiyo Hindise sharciyeedka Dambiyada la xiriira Galmada, waxaana uu abuuray dood kulul, iyadoo mudaniyaasha qaar ay ku tilmaameen in Baarlamaankii Soomaaliyeed uu maanta Galmo ka doodayo.

”Baarlamaankii Soomaaliyeed baa maanta Galmo ka doodaya oo lasoo ag dhigay waxay dhaawac ku tahay Sumcaddiinna guddoomiye iyo kan Baarlamaankaba mana ahayn inuu baarlamaanka uu soo gaaro, waa bullaacad wasaqeysan, ee kan Sharci maahan,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh.

Xildhibaanada ayaa iska diiday ajandahan meel-marintiisa, iyagoo doodooda ku saleeya in xeerkan uu yahay mid ay gadaal ka riixaan hay'ado caalami ah, oo Diinta Islaamka wax lidi ku ah doonaya inay wadanka ka dhaqan-geliyaan.

"Mudane guddoomiye nooma cuntanto, waxa ku qoran sharcigan oo ay ka mid tahay galmadu way wajiyo badan tahay, caalamka aan maanta ku suganahayna wax badan oo qaab darro ah ayaa ka jira, annaga ilaalinta sharafta diinteena ayaan ku diidnay ajendaha maanta," ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa.

Sharcigan oo soo diyaariyay guddiga xaquuqul insaanka ee Gollaha Shacabka, ayaa ansixintiisa dib loo dhigay si looga saaro qodobada diinta Islaamka ka hor imaanaya, sida uu Keydmedia Online u xaqiijiyeen Xildhibaano dhowr ah.

Xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM iyo wakiiladda Beesha Caalamka ayaa walaac ka muujiyay isku dayga Aqalka Hoose ee Barlamaanka ku doonayo inuu ku meel-mariyo hindise sharciyeedka cusub oo oggolaanaya guurka carruurta.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 25 September 2020 4:10

    Bajaajlayaasha waxaa la dilaa iyaga oo bixinaya canshuurtii dowladda, waana cadaalad daridda ka jirta Muqdisho sida uu Farmaajo xilka ula wareegay oo ku kalliftay dhalinyarro badan in ay gabi ahaamba dalka isaga tagaan.