C/rashiid Janan oo isku dhiibay mid ah musharixiinta mucaardka

Cabdirashiid Janan, oo dhawaan mar kale ka baxsaday Villa Soomaaliya, ayaa isku dhiibay mid ka mid ah Musharixiinta Mucaaaradkaa.

Warar Keydmedia Online
C/rashiid Janan oo isku dhiibay mid ah musharixiinta mucaardka

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirkii hore ee Amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Janan, ayaa la soo warinayaa inuu mar kale ka baxsaday Villa Soomaaliya, kadib markii ay isku dhaceen Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo sir-doonka Qaranka, Fahad Yaasiin, oo masuul ka ahaa inuu bilo ka hor ka soo baxo garabka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Sida ay sheegayaan warar hor dhac ah, Janan, ayaa ka carooday fulin la’aanta ballamo ay Kooxda Farmaajo la galeen, waxaana laga hor istaagay musharraxnimada Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Inkastoo aysan Keydmedia Online, xaqiijin karin, hadana waxaa jira ilo xog ogaal ah oo sheegaya in Cabdirashiid Janan, uu ku sugan yahay guriga Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakur warsame.

Waxaa maalmihii la soo dhaafay abaabul ciidan laga dareemayay degmada Doolow ee gobolka Gedo, waxaana abaabulkaas hor kacaya saraakiil ka mid ahaa ciidankii Janan ee bilo ka hor dagaalka xooggan ku qaaday Baled-xaawo.

Wasiirkii hore ee Jubbaland, ayaa noqday shaqsiga ugu baxsadka iyo is babadelka badan siyaasadda Soomaaliya, waxaana la filayaa inuu maalmaha soo socda saxaafadda la hadlo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.