Cabdi Xaashi oo magacaabay Guddiga doorashada G/Waqooyi

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee BJFS Cabdi Xaashi ayaa magacaabay xunbanaha guddiga doorashada ee gobollada waqooyi ku matalaya guddiga doorashada heer federaal

Warar Keydmedia Online
Cabdi Xaashi oo magacaabay Guddiga doorashada G/Waqooyi

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Cabdi Xaashi ayaa magacaabay xubnaha Guddiga doorashada ku matalaya gobollada waqooyi ee loogu yeero Somaliland, xubnahan ayaa tiradooda lagu sheegay 8 Xubnood, waxaana ka horreysay 4 xubnood oo heer federaal ah kuwaasoo uu horay usoo magacaabay guddoomiye Cabdi Xaashi.

Guddoomiyaha ayaa horay ugu eedeeyay Madaxweyne Farmaajo in uu doonayo in uu Af-duubo doorashada lagu wado in ay ka dhacdo Soomaaliya dabayaaqada sanadkan ilaa horraanta sanadka cusub, waxaana sidoo kale uu horay ugu eedeeyay in uu Farmaajo doonayo in uu Af-duubo guddiga doorashada gobollada waqooyi ku matalaya Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku tashanaya guddiyada doorashooyinka ee ay dhawaan xukuumaddiisu soo magacawday, kuwaasoo kala ah Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed, Gobolka Benaadir iyo Gobollada Waqooyi, waxayna arrintaasi dhalatay in ay gooni u istaagaan musharraxiinta madaxtinimada Soomaaliya kuwaasoo haatan shir uu uga socdo magaalada Muqdisho, waxaana laga yaabaa in ay iyaguna soo magacaabaan guddi doorasho oo ay u dhan yihiin xubnaha musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya ee 2021.

Magacaabidda guddiyadan iska hor imaanaya iyo shirarka gaar-gaarka ah ee ka socda caasimadda Muqdisho waxay keeneysaa khilaaf hor leh, iyadoo xaaladda is fahan darrida ah ee ka dhalatay doorashooyinka ay sare usii kacday toddobaad yadii u dambeeyay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.