Cali dheere: Ciidamada Shabaabku waa in ay dadka u naxaan

MUQDISHO(KEYDMEDIA) Cali Max’ud Raage (Cali dheere) oo ah afhayeenka guud ee Alshabaab ayaa ka dalbay dhalinyarada shabaab ee hubka wadata in ay joojiyaan dhibaateynta shacabka.
Warar Keydmedia Online
Cali dheere: Ciidamada Shabaabku waa in ay dadka u naxaan

“Ciidamadeenu ma ahan in ay dhibaateeyaan shacabka oo laga ordo, waxaa wanaagsan in shacabka loo diir naxo si dhankeena ay uga soo bataan shacabka” ayuu yiri Cali Dheere oo dhalinyaro ka tirsan shabaab fagaare kula hadlay

Hadalka ka soo yeeray afhayeenka shabaab ayaa waxa uu imaanayaa xili shacabkii ku noolaa deegaanada shabaab dhawaan ay kala wareegeen xisbigii xasan Daahir ay ka soo qulqulayaan deegaanadaasi isla markaana ay soo gaarayaan deegaanada dowlada ay ka taliso dowlada.

Alshabaab ayaa ku caanbaxay cadaadis iyo dhibaateyn shacab, waxanaa bilihii ugu danbeeyay saraakiil ka tirsan shabaabka ay u muuqdeen kuwa dareemay naceybka ay shacabka u qaadeen kooxda, waxaana xili hore dalabkan oo kale jeediyay Fu’aad shonqole.

Www.keydmedia.net