CC Warsame oo weerar afka ah ku qaaday Farmaajo

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Farmaajo isagoo kula taliyay inuusan mar kale isa soo sharraxin.

Warar Keydmedia Online
CC Warsame oo weerar afka ah ku qaaday Farmaajo

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo horay loogu weeraray hoygiisa, ahna musharax aad u dhaliila siyaasadda madaxweyne Farmaajo ayaa weerar afka ah ku qaaday kaddib markii madaxweyne Farmaajo uu xafladdii ciyaartoydii ku guuleysatay tartankii dowlad goboleedyada iyo gobolka Benaadir uu ku qabtay xarunta Villa Somalia.

CC Warsame ayaa sheegay in madaxweynaha cabsi xaalad amni awgeed uu uga baaqay fagaarayaasha iyo ka qeyb galka munaasabadaha muhiimka ah ee dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho ka dhacaya, waxa uuna yiri "Saraakiil sare oo Dowladda ka tirsan ayaa ii xaqiijiyey in madaxweyne Farmaajo uu cabsi amni darteed kaga baaqday ka qaybgalka xafladdii qalinjebinta Jaamacadda Ummadda, kulankii qoondada haweenka iyo shirkii dhallinyarada. Wuxuu madaxweynuhu tartankii faynalka ahaa ee ciyaartii Banaadir iyo Galmudug ka daawaday hoygiisa, koobkiina xalay Villa Somalia dhexdeeda ayuu ku bixiyey. Madaxweynuhu markii uu xilka la wareegay wuxuu shacabka u ballan qaaday in uu Al-Shabaab dalka laba sano uga xoreynayo, maantana xayndaabkii Vila Somalia ayuu dhaafi la’yahay."

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa sidoo kale ku dhaliilay in madaxweynuhu uu horay ugu fashilmay in uu fagaarayaasha soo fariisto, kaddibna uga jawaabo su'aalaha dad weynaha, waxa uuna su'aal ka keenay sababta uu mar kale uu u doonayo madaxweyne Farmaajo hoggaaminta umadda Soomaaliyeed, waxa uuna yiri "Haddaba haddii madaxweynihii uu fagaarayaashii ka cabsaday, horeyna uu golayaashii doodaha kaga maagay, halkii mar uu dadka hor yimidna uu su’aalihii way adagyihiin iyo hebel waydiiya kaga baxay, maxay tahay sababta uu mar kale hoggaanka dalka u doonayo? oo uu weliba doorasho boob ah oo dalka fidno u horseedaysa ugu durbaan tumayaa?" 

Farmaajo ayaa lagu dhaliilaa inuusan waxba ka qaban afartii sano ee uu xilka hayay ballan-qaadyadaii uu ka hor akhriyay xildhibaanadii labada aqal ee BJFS, waxa uuna xoogga saaray sidii uu ciidamada xoogga dalka marba taliye uu ugu magacaabayay meel, isagoo tiro ka badan 3 jeer isku badalay taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, taasoo uu ka damacsan yahay sidii uu ku heli lahaa qofkii u fududeyn lahaa inuu boobo kuraasta iyadoo ay ciidamda dowladdu raalli ka yihiin!

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.