CC Warsame oo baaq u diray Taliyaha Booliska

Labadii maalin ee la soo dhaafay, taliyaha qeybta Waliyow-cadde, ayaa ku lug yeeshay eedeeymo, kadib markii ciidamo ka amar qaata kooxda Farmaajo hoggaamiyo ay xariga iyo jir-dil u geysteen dahallinyaro si nabad ah u cabirayay dereekooda ku wajahan xaaladda dalka

Warar Keydmedia Online
CC Warsame oo baaq u diray Taliyaha Booliska

MUQDISHO, Soomaaliya – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaaan Cabdishakuur Warsame, ayaa taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Generaal Cabdi Xasan Maxamad (Xijaar), ugu baaqay in uu tallaabo ka qaado askar maalmihii la soo dhaafay xarig iyo jir-dil u geystay dhallinyaro dhigayay bannaanbax nabadeed si ay u  muujiyaan dareenkooda ku addaan dilka Ikraan Tahliil Faarax oo ku maqan gacanta Fahad Yaasiin.

CC Warasmae, ayaa sheegay in kulan dhex maray isaga iyo Xijaar, Sideeddii bishii May ee sanadkan, uu taliyaha Booliska baallan qaaday in ciidanka booliska uusan dhibaato u gaysan doonin shacabka, gaar ahaan siyaasiyiinta iyo hawsha siyaasadda.

“Labadii maalin ee la soo dhaafay dadkii damiirkoodu dhaqaajiyey ee isugu soo baxay in ay Ikraan Tahliil caddaalad hesho waxay Booliska kala kulmeen xarig, jirdil, iyo hanjabaad. Taliye ballantii aad qaadday ayaan kugula xisaabtamaynaa. Waxaan rajaynaynaa in aad tillaab ka qaaddo kuwa dhaawacaya sumcadda ciidanka Booliska”. Ayuu yiri Warsame.

Musharrax Madaxweyne, Cabadiracaan Cabdishakuur, wuxuu hadalkiisa ku daray inuu dhamaaday xilligii argagax gelinta, cabburinta, iyo awood sheegashada, isla-markaana haraadiga firkirkaas qaba loo baahan yahay in degdeg looga sifeeyaa hay’adaha amniga.

Taliyaha Booliska Soomaaliya, Cabdi Xasan Maxamad (Xijaar), ayaa bishii May, xarumahooda ugu tagay qaar ka mid ah xubnaha Midowga Musharixiinta, kadib markii Amniga dalka lagu wareejiyay RW Rooble.

Labadii maalin ee la soo dhaafay, taliyaha qeybta Waliyow-cadde, ayaa ku lug yeeshay eedeeymo, kadib markii ciidamo ka amar qaata kooxda Farmaajo hoggaamiyo ay xariga iyo jir-dil u geysteen dahallinyaro si nabad ah u cabirayay dereekooda ku wajahan xaaladda dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 10:10

Kaliya, Kooxda Fahad, waxa ay sheegeen in Maryan, xubno ka mid ah ehelkeeda ay ka mid yihiin Al-Shabaab, isla-markaana gabar caawiye u ahayd oo la yiraahdo Hodan ay u baxsatay dhanka Al-Shabaab, taas oo ilaa iyo hadda aysan u keenin wax caddeyn ah.