CC Warsame oo Farmaajo ku eedeeyay weerarka lagu soo qaaday

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku eedeeyay madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo mas'uuliyadda weerar lagu soo qaaday hoyga uu daggan yahay

Warar Keydmedia Online
CC Warsame oo Farmaajo ku eedeeyay weerarka lagu soo qaaday

MUQDISHO, Soomaaliya - Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku eedeeyay madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo mas'uuliyadda weerar lagu soo qaaday hoyga uu ka daggan yahay magaalada Muqdisho oo ku yaal agagaarka Isgoyska Lambar Afar.

Hoggaamiye CC Warsame ayaa bartiisa Facebook qoraal kooban uu kusoo qoray eedda mas'uuliyadda weerarkaas ayuu dusha uga tuuray madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ee Farmaajo waxa uuna yiri "Ciidanka Farmaajo ayaa weerar ku soo qaaday hoyga aan ka deganahay Magaalada Muqdisho. Waxaan horay uga dignay in ciidanka loo adeegsado siyaasadda. Waxaa ila jooga xildhibaano iyo siyaasiyiin iigu yimid afur iyo wadatashi. Wixii dhib ah ee ka yimaada weerarka waxaa qaadaya Maxamad Farmaajo."

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa weerar ku qaaday hoyga hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, lama oga ilaa iyo hadda khasaaraha weerarkaasi, balse waxaa la sheegayaa in ciidamada labada dhinac ay is weydaarsanayaan hubka culus.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].