“Ma ahan boob doorasho oo keliya  ee waa sharaf dhac qaran”

Tallaabada ay Madaxda Maamulladu ku hor istaageen qaar ka mid ah Musharixiinta kuraasta Baarlamaanka ayaa abuurtay xiisad siyaasadeed, taas laga cabsi qabo in ay isku badesho xasarado gacan ka hadal sababa.

Warar Keydmedia Online
“Ma ahan boob doorasho oo keliya  ee waa sharaf dhac qaran”

MUQDISHO, Soomaaliya – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa doorashada maanta ka dhacday Dhuusamareeb ee lagu doortay eedeysane Yaasiin Farey, isla-markaana Baydhabo jid-gooyada loogu dhigtay Prof Jawaari, ku macneeyay “sharaf dhac qaran”

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan [Jawaari], ayaa maanta dib ugu laabtay Muqdisho, kadib markii Cabdicasiis Lafta-gareen ka hor istaagay u tartanka, kursiga uu ku fadhiyay baarlamaankii 10-aad ee HOP103.

Halka eedeysane, Yaasiin Fareey, sida horey loo saadaaliyay kusoo baxay doorashadda Kursiga hope67, taasoo ka dhacday Maanta magaaladda Dhuusamareeb.

“Doorasho tartankeeda loo diiday Prof Jawaari  oo dalka wuxuu u soo taray la ogyahay, Yaasiin Fareey oo la tuhunsane ahna xildhibaan looga soo dhigay, ma ah boob doorasho oo keliya  ee waa sharaf dhac qaran, in la is quusiyo, dadkana la kala dooransiiyo “i dooro ama aan ku dilo”.  Ayuu yii Warsame.

Hor-joogayaasha maamullada, iyo guddiyada doorashooyinka ee boobka iyo sharaf-dilka doorashada wada ayuu ku timaamay, kuwo dadnimadooda dhaawac gaarsiiyay dan-qaranna aan maalin qura ka shaqeyn.

“Waxaan xusuusinayaa kuwa foolxumada iyo fadeexadda intaa la eg ku kacaya ama ka marqaati kacaya, iyagoo Farmaajo ugu abaal gudaya in ay dadnimadooda, damiirkooda iyo qarankaba dhaawaceen”. Ayuu ku sii daray.

Cabdiraxmaan, wuxuu sheegay in isku dayga boobka kuraasta Baarlamaanka uusan meel-mari doonin, wuxuuna shacabka ugu baaqay in ay tafa-xeytaan iska dul-qaadka dulmiga, ay shaqsiyaadka waqtigu ka dhamaaday falayaan.

“Waxaa hubaal ah in ay meelmari doonin, dulmiguna uusan waari doonin. Doorasho ma jirtee, shacabka Soomaaliyeed waa in ay u diyaar garoobaan sidii ay dulmiga iyo heeryada dulliga u diidi lahaayeen”. Ayuu ku sii daray.

Golaha Midowga Musharixiinta, oo maanta shir jaraa’id ku qabday Caasimadda ayaa ka soo horjeestay qaabka ay ku socoto doorashada Golaha Shacabka, waxaana la filayaa in ay guud ahaan maalmaha soo socda qaadacaan natiijada doorashooyinka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 8 December 2021 17:43

Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa qaaday tallaabo ay ku burburinayaan dhaqaalaha Muqdisho, waxaana magaalada la soo galiyay malaayiin doolar oo been abuur ah, halka mashiinno iyo daawooyin lagu nadiifinayo lacago sharci darro ah.