Danab iyo Darawiishta Jubbaland oo howlgal sameeyay

Ciidamada Kumaandoosta Danab iyo milatariga darawiishta Jubbaland ayaa waxay sameeyeen howlgal miino baaris ah kaasoo lagu guuleystay

Warar Keydmedia Online
Danab iyo Darawiishta Jubbaland oo howlgal sameeyay

KISMAAYO, Soomaaliya - Ciidamada Ururka 5 -aad, Guutada 16 -aad ee Kumaandooska Xoogga ee Danab iyo Ciidanka Daraawiishta Maamulka Jubbaland ayaa howlgal ay ka fuliyeen degaannada Dhaaycabdow, mayoonde  iyo Buula-kuusow waxay ku guuleysteen in ay miino baaris ka sameeyeen halkaas, sida ay shaacisay Idaacadda Dowladda. 

Ciidamada iskaashanaya ee Kumaandooska Danab iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa maalmihii u dambeeyay waxa ay howlgallo ballaaran ka sameeyeen degaanno hoostaga Magaalada Kismaayo ee Xarunta Kumeel gaarka ah ee dowlad goboleedka Jubbaland, waxayna howlgalkii ugu dambeeyay kusoo qabteen sarkaal ka tirsan Al-Shabaab kaasoo u qaabilsanaa Qaraxyada deegaanada Jubbaland.

Howlgalkan ayaa noqonaya mid isagoo aan khasaaro soo gaarsiin ciidamadii fulinayay la qabto, waxaana dhinaca kale la tilmaamayaa in qaar kamida xoogagga kooxda Al-Shabaab ee degaannaa howlgalka laga sameeyay ay halkaa isaga carareen kaddib markii ay ka war heleen howlgalka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.