Ciidamada Jubbaland oo Miinooyin kasoo saaray waddo

Ciidamada Nabad Sugidda Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ku guuleystay in ay soo saaraan miinooyin lagu aasay waddo halbowle u ah isku socodka dadka reer Jubbaland.

Warar Keydmedia Online
Ciidamada Jubbaland oo Miinooyin kasoo saaray waddo

KISMAAYO, Soomaaliya - Wararka naga soo gaaray deegaanada Jubbaland waxay sheegayaan in waddo muhiim ah oo dadka ganacsatada iyo kuwa musaafiriinta ahba ay aad u isticmaalaan laga soo saaray miinooyin ay ku aaseen Kooxda Al-Shabaab oo dagaal culus kula jirta nidaamka dowladeed ee Soomaaliya ka hana-qaaday.

Howlgal ay sameeyeen ciidamada nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee ku sugan deegaanada Jubbaland ayaa lagu guuleystay in lasoo saaro miinooyin lagu aasay waddada bartamaheeda taasoo isku xirta deegaanada Gosha ee ka tirsan Jubada hoose, ma jiraan wax khasaare ah oo dhashay intii lagu guda jiray howsha miino soo saartista deegaankaas.

Kooxda Al-Shabaab ayaa adeegsata inta badan qaraxyo lagu soo xiray gawaari iyo miinooyin lagu aasay waddada dhinaceeda taasoo aan loo aaba-yeelin cidda isticmaaleysa waddada, shacab iyo xubno dowladeedna waa isugu mid xilligii la doono ayaa la qarxiyaa miinooyinka, mana ahan markii ugu horreysay ee la fashiliyo ama laga hor tago miino dhulka lagu aasay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.