Wiil Soomaali ah oo loo haysto fal Afduub Nairobi

Ciidamada Booliska waddanka Kenya ayaa xabsiga utaxaabay will dhallinyaro ah islamarkaana ah Soomaali kaasoo loo haysto fal af-duub ah oo uu kula kacay gabar Soomaaliyeed

Warar Keydmedia Online
Wiil Soomaali ah oo loo haysto fal Afduub Nairobi

NAIROBI, Kenya - Wiil Soomaali ah oo loo haysto fal Af-duub ah ayey soo xireen ciidamada ammaanka waddanka Kenya. Xafsa Maxamad Luqmaan oo ahayd gabar ganacsato ah isla markaana toddobaadkan dhexdiisa la waayay, sawirkeedana baraha bulshada la iskula wadaagayay ayaa la helay iyadoo wajigeeda ay ka muuqdaan dhaawacyo.

Waaxda dembi barista dowladda Kenya ayaa sheegtay in Xafsa oo ah 23 sank jir laga helay guri ku yaalla halka loo yaqaano  Matopeni ee xaafadda Kayole ee Nairobi, sidoo kalena  afduubkaas loo haayo hal eedeysane oo ay ciidamadu soo bandhigeen masawirkiisa.

Ninkaan ayaa la tilmaamay inuu ka dambeeyo afduubka gabadhan oo lagu magacaabo Xafsa, waxaa la sheegay inuu ku hayay caag madaxa laga gooyay si lacag madax furasho ah uu uga qaato sida ay shegeen laamaha Amaana Kenya.

Sidoo kale dowlada Kenya ayaa waxay ku raad jogtaa shabakado la sheegay in dadka ay afduubtaan, waxaana jira gabdho kale oo afduub ahaan loo heysto oo maqan, kuwaas oo  ehelladooda iyo laamaha amnigu ay baadi goobayaan. Sidoo kale waxaa baraha ay bulshadu ku xiriirto la isku dhaafsanayay muuqaal laga duubay niman udhashay waddanka Kenya oo tiro ahaan lagu qiyaasay 4 ruux kuwaasoo si qasab ah gaari ku saartay wiil dhallinyaro ah.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.