Ciidamada Burundi oo isbalaarin ku haminaya

MUQDISHO(KEYDMEDIA) Ciidamada Burundi ee qeybta ka ah ciidamada Amisom ee taageera dowlada ayaa saakay ka bilaabay muqdisho howl gal qorshihiisu yahay isbalaarin.
Warar Keydmedia Online
Ciidamada Burundi oo isbalaarin ku haminaya

Wadada warshadaha ee magaalada Muqdisho ayeey isku fidiyeen ciidamada Amisom, waxaana taasi ay cara galisay kooxda Shabaab oo fariisin ku leh Wasaaradii Gaashaandiga, waxaana ciidamada Burundi ay isku fidiyeen Damaayo, warshada caanaha, afaafka wasaarada Gaashaandhiga iyo deegaanada ku xeeran.

Abaan duulaha ciidamada milatariga C.kariin dhaga badan oo hadal kooban siiyay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada dowlada iyo kuwa amisom ay la wareegeen wasaarada gaashaandhiga iyo agaheeda.

Ciidmaada Burundi ayaa ku haminaya in ay galaan in ay fariisimo ka sameestaan wasaarada Gaashaandhiga, guryihii saraakiisha, sarihii dableyda iyo deegaanada ku xeeran.

 Ma jiro dhaq dhaqaaq ganacsi oo ka socda suuqa bakaaraha, waxaana la dareemayaa kala dhantaalan balaaran oo ku yimid howlihii ganacsiga ee bakaaraha, waxaana tani sababteeda lahaa dagaalka warshadaha ka socda.

www.keydmedia.net