Ciidamada dowlada oo diiday in la gargaaro danyar Soomaaliyeed

MUQDISHO(KEYDMEDIA) Ciidamo ka tirsan dowlada kmg ah ayaa maanta is hortaag waxa ay ku sameeyeen deeq la gaarsiin lahaa dad ka soo barakacay abaaraha oo ku nool degmada Xamar weyne ee gobalka Banaadir.
Warar Keydmedia Online
Ciidamada dowlada oo diiday in la gargaaro danyar Soomaaliyeed

Gudoomiyaha gudiga gurmadka abaaraha dowlada KMG ah Ibraahim Xabeeb oo Shir saxaafadeed ku qabtay magaalada muqdisho ayaa canbaareyn balaaran dusha uga tuuray ciidamada .

“Qorshaheenu wuxuu ahaa in aan taakulo gaarsiin 3000 oo qof laakiin markaan gargaarkeena gaarsiinay 600 oo qoys ayaa ciidamo milatari ah goobta soo gaareen isla markaana joojiyeen howshii aan heynay” sidaa waxaa yiri Ibraahim Xabeeb oo shir saxaafadeed ku qabtay muqdisho

Xabeeb ayaa tilmaamay in ay uga fogaadeen isku dhac dhexmara ciidamada booliiska ee dhowrayay amniga iyo askartii halkaasi soo gaartay oo horseeda dhimasho iyo dhaawac halkasi ka dhasha.

Waxa uu ka dalbaday gudoomiyaha gudiga gurmadka abaaraha dowlada KMG ah in  ay ciidankeeda ka celiso meelaha gurmadka loogu fidinayo dadka danta yar.

 www.keydmedia.net