Ciidamada Dowladda oo Duldagay Degmada Jalalaqsi

Jalalaqsi (KON) - Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa lagu soo waramayaa in ay duldageen Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan Bartamaha Soomaaliya.
Warar Keydmedia Online
Ciidamada Dowladda oo Duldagay Degmada Jalalaqsi

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Huwanta ah ay Degmada u jiraan ilaa 10-KM Qorshahooduna uu yahay sidii Degmada Gacanta loogu dhigilahaa oo Maleeshiyada looga saari lahaa.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Baledweyne ayaa sheegay in Ciidamadu ay maanta qabanayaan Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale Degmada ayaa waxaa ka Barakacay Dadkii Shacabka ahaa ee Magaalada ku noolaa kuwaas oo ka baqaya in Dirirtu ay saameeyn ku yeelato.

Degmada Jalalqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa ah Degmada kaliya ee Al-shabaab ay ka joogaan Gobolka Hiiraan.

Keydmedia Online – Xafiiska Muqdisho

 




    Warar 25 September 2020 4:10

    Bajaajlayaasha waxaa la dilaa iyaga oo bixinaya canshuurtii dowladda, waana cadaalad daridda ka jirta Muqdisho sida uu Farmaajo xilka ula wareegay oo ku kalliftay dhalinyarro badan in ay gabi ahaamba dalka isaga tagaan.