Ciidamada Dowladda oo la Wareegay Degmada Kuntu-waareey

Kuntuwaareey (KON) - Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Kuwa AMISOM ayaa Galabta la Wareegay Degmada Kuntu-waareey ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Warar Keydmedia Online
Ciidamada Dowladda oo la Wareegay Degmada Kuntu-waareey

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Iskaabaya ay Degmada ka soo galeen Labo Jiho oo sidaa ay Degmada ku qabsadeen, inkastoo uusan ka dhicin Dagaal.

Gudoomiyaha Degmada Kuntu-waareey ee Gobolka Shabellaha Hoose C/rixmaan Sabdoow ayaa Keydmedia Online u xaqiijiyay in Ciidamada ay hada si buuxda ay Degmada Umaamulaan.

"Ciidamada waxaa ay Fariisimo ka sameeysteen Gudaha iyo Duleedka Degmada Kuntu-waareey, waxaa magaalada dhanka Baraawe ka aadeen ilaa 7KM" Ayuu yiri Gudoomiye Sabdoow.

Waxaa uu Howlgalkaan imaanayaa xili Shalay Magaalada Buula-mareer ee Gobolka Shabellaha Hoose Al-shabaab lagala wareegay.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho