Ciidamada TFG-da iyo AMISOM oo la Wareegay Deegaano Hoostaga Shalanbood

Muqdisho (KON) - Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa Saakay la wareegay deegaano ka tirsan gobbolka Shabeellaha Hoose kuwaasoo ay horay u joogeen Maleeshiyaadka kooxda Shabaab.
Warar Keydmedia Online
Ciidamada TFG-da iyo AMISOM oo la Wareegay Deegaano Hoostaga Shalanbood

Deegaanada ay Ciidamada la wareegeen ayaa waxaa ay hoos tagaan degmada Shalanbood, waxaana ay kala yihiin deegaanka Buufoow, Ceel-Wareego, Kali-caafimad iyo deegaano kale.

Xaalada ayaa aad u kacsan, mana jirin wax Dagaal ah oo dhacay intii ay Ciidamada la wareegayeen deegaanada ka tirsan Shabeellaha Hoose.

Ciidamada ayaa wali sii wada duulaanka ay ku tagayaan deegaanada kale ee ay Shabaab ku sugganyihiin waxaana ya Ciidamada hadda ku sii dhowyihiin degmada Shalanbood ee Shabeellaha Hoose.

Hadii ay Ciidamadu Maanta Shalanbood gaareen Magaalada Marka Gacanta Kooxda Shabaab ayay ka baxday.

Maleeshiyaadkii Shabaab ee deegaanadaasi laga qabsaday ayaa u carraray dhanka degmooyinka Baraawe iyo Qoryooley.

Wixii ku soo kordha kala soco [url=http://www.keydmedia.com]http://www.keydmedia.com[/url]

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho