Ciidamada Itoobiya oo Xiray Madaxda Ahlu Suna iyo Dooxada Shabeele

Baladweyne (Keydmedia) - Kadib markii galabta ay duleedka magaalada Baladweyne ku dagaalameen maleeshiyaad ka kala tirsan maamulka dooxada Jubba iyo kuwa Ahlu Sunna ayaa waxa lasoo sheegayaa in caaway ay ciidamada Itoobiya ka kaxeysteen guryahooda labada mas'uul ee ugu saraysa maamuladaas.
Warar Keydmedia Online
Ciidamada Itoobiya oo Xiray Madaxda Ahlu Suna iyo Dooxada Shabeele

Madaxweynaha maamulka Dooxada Shabeele C/fitaax Xasan Afrax iyo wakiilka Ahlu Suna ee gobolka Hiiraan Aadan Cabdule Cawaale ayaa lasoo sheegayaa in caaway ay ku xiran yihiin xarunta Jaamacada Hiiraan oo ay dagan yihiin ciidama Itoobiyaan ah.

Maamulka Dooxada Shabeele ayaa sheegay in ciidamada sheeganaya Ahlu Sunna ay yihiin cadow kasoo duulay gobolka Galgaduud oo doonaya inay amni daro ka ridaan gobolka Hiiraan, halka wakiilka Ahlu Suna Adan Cabdule uu dhankiisa sheegay in maamulka Dooxada Shabeele ay yihiin Al-Shabaab No 2.

Ciidamada Itoobiya oo qorshaynayay inay duulaan culus ku qaadaan degmada Buula Burte ayaa hakad galiyay dhaqdhaqaaqoodii maanta ay bilaabeen, waxayna muujiyeen inay ka xunyihiin dhacdada ay ku dagaalameen raggii ay iyagu soo galiyeen magaalada Baladweyne.

Magaalada ayaa caaway lasoo sheegayaa in ay ka maqan tahay korontada, isla markaana ay caaway ka qarxeen laba miino oo aan la ogeyn wali cidda ku waxyeelowday.