Ciidamada Kenyaanka ah oo Bilaabay inay ka Dhuuntaan Furimaha Dagaalka

Kismaayo (Keydmedia) - Ciidamada Kenya markoodi horeba ma aysan lahayn awood iyo Geesinimo ay dagaal ku galaan ama ay isaga dhiciyaan dhinaca kale ee ka soo hor jeeda.
Warar Keydmedia Online
Ciidamada Kenyaanka ah oo Bilaabay inay ka Dhuuntaan Furimaha Dagaalka

Waxaa xusid mudan in Ciidamada Kenya aysan waligood dagaal galin, dagaalna uu ugu horeeyo dhibaatad aiyo fara galinta gardarada ah ee ay ku hayaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Hada ciidamada Kenyaanka ah ee ku suggan furimaha dagalka ee deegaanada Qooqaani iyo Taabto waxaa ay bilaabeen inay ka baxsadaan halkaasi iyagoona u dhuumanaya dhanka Xadka Kenya iyo Soomaaliya, ayadoona arrintani ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Ciidamada Kenya.

Sargaal Soomaali ah oo ay isku meel ka dagaal galayeen Ciidamada Kenyaanka ah ayaa sheegay inuu arkay 150 askari oo ku sugnaa furimaha dagaalka oo u baxsanaya dhanka dalkooda, "iyagoona ku dhahay hana sheegin waan dhuumanaynaa".

Ciidmada Kenya markii horba si sharci dara ah ayay ku soo galeen dhulka Soomaaliya oo cidii si sharci darra ah ku soo gashana la marsiin jiray abaalkeeda.

Keydmedia.net - Xafiiska Kismaayo