Ciidamo Gorgor iyo Haramcad ka tirsan oo Gaalkacyo gaaray

Ciidamo dhawaan tababar kusoo qaatay dalka dibaddiisa oo ka tirsan Guutooyinka Gorgor iyo Haramcad ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Warar Keydmedia Online
Ciidamo Gorgor iyo Haramcad ka tirsan oo Gaalkacyo gaaray

GAALKACYO, Soomaaliya - Dowlad goboleedka Puntland ayaa magaalada Galkacyo kusoo bandhigtay Ciidamo sida ay sheegeen ka tirsanaa Guutooyinka Gorgor iyo Haramcad iyaga oo tababaro kusoo qaatay dalka dibadiisa dhawaana kusoo laabtay waddanka Soomaaliya.

Puntland waxay sheegtay in ciidan taradooda 140 gaarayso oo puntland laga qaaday islamarkaana si aan wanaagsaneen loola dhaqmay soo laabashadoodii kaddib, ay maanta soo gaareen gaalkacyo waxaana munaasabad loo sameeyay ciidamadaasi Goobjoog ka ahaa guddiga dib u habaynta Ciidamada Puntland.

Tan iyo wixii ka dambeeyay xiriirkii xumaaday ee dowladda dhexe iyo dowlad goboleedka Puntland waxaa soo kordhayay eedeymaha hawada la isku marinayo oo ku saabsan in inta badan dowladda federaalka ay cadaadis xoog leh ku billowday maamulka Puntland, horay waxay u sheegtay Puntland in shaqaale dhisayay waddo isku xirta Boosaaso iyo Garowe ay dowladdu xayiraad saartay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].