UN Security Council to extend UNSOM mandate in Somalia
Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarax lala beegsaday askarta Itoobiya ee qeybta ka ah ciidamada AMISOM eek u sugan degaannada KGS.
MUQDISHO, Soomaaliya - Hal askari oo Itoobiyaan ah ayaa ku dhintay labo kalana waa ay ku dhaawacmeen qarax miino oo Arbacadii lala beegsaday ciidamo ka tirsan, nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.
Sida uu sheegay Aadan Isaaq oo ka mid ah saraakiisha ammaanka, miinada ayaa lagu aasay meel u dhow ceel biyood ay isticmaalaan ciidanka Itoobiya oo ku yaalla degmada Waajid ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
“Qaraxa waxaa ku dhintay hal askari oo ka mid ah kolonyo biyo u doonaneysay ceelka, halka labo kale oo dhaawac ah loo qaaday isbitaalka,” ayuu yiri.
Ciidamada Itoobiya iyo kuwa AMISOM ayaan weli ka hadlin weerarkan oo mas’uuliyaddiisa ay sheegatay kooxda xiriirka la leh Al-qaacida ee Al-shabaab.
Ciidamada Militariga Somaliya, ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay hawlgallada ka dhanka ah Al Shabaab, hayeeshee, kooxda ayaa iyana dhankeeda siyaasdisay weerarrada.
Ugu yaraan 60 asrkari, oo ka tirsan Al-Shabaab, oo uu ku jiro sarkaal sare, ayaa lagu dilay weerar ka dhacay gobolka Hiiraan, Talaadadii, sida ay sheegeen saraakiil u hadlay CXDS.
KEYDMEIDA ONLINE
Add comment
Comments