Ciidamo ka tirsan TFG-da oo Xalay dhac iyo boob ka geystay Afgooye

Afgooye (Keydmedia Online) - Ciidamo ka tirsan Dowladda TFG-da ayaa xalay dhac iyo boob kii ugu darnaa waxaa ay ka geysteen xaafado ka tirsan degmada Afgooye ee gobbolka Shabeellaha Hoose, ayadoona arrintaan ay ku soo beegmayso xili shalay magaalada Afgooye uu booqasho ku tagay Madaxweynaha Dowladda KMG ah Shariif oo sheegay inuu wax weyn ka qaban doono xaaladaha amni darro ee magaalada ka jira.
Warar Keydmedia Online
Ciidamo ka tirsan TFG-da oo Xalay dhac iyo boob ka geystay Afgooye

Dhacaan xalay loo geystay dad danyar ah oo ku nool Afgooye ayaa waxaa geystay saraakiil iyo Ciidmao ka tirsan Dowladda, sida ay waraahinta u sheegeen dadka deegaanka.

Ciidamada Dowladda waxaa ay u dhaceen xaafado iyo dukaamo ay leeyihiin dad danyar ah, waxaana ay ka geysteen dhac iyo boob, waxay dadka ka qaateen lacag, raashin, qalab, haweenkii way jirdileen, qaarna way kufsadeen,"ayuu yiri qof kamid ah dadka Afgooye oo la hadlaayay warbaahinta gudaha.

Markii shalay uu Afgooye gaaray Madaxweyne Shariif waxaa cabashooyin u soo jeediyay odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwna ee bulshada taasoo ku aadan inuu wax ka qabto Ciidamo ay isku heyb yihiin Madaxweynaha oo dhac baahsan ka geysanaya gudaha magaalada Afgooye.

Shariif ayaa ka aqbalay cabashada ay odayaasha soo jeediyeen, waxaana uu Madaxweyne Shariif canaantay saraakiisha Ciidamada Dowladda oo uu ku amray inay si deg deg ah wax uga qabtaan dhibaatooyinka heysta dadka, balse arrintaasi ma aysan dhicin oo markii uu Afgooye ka soo laabtay ayay Ciidamo dhacii iyo boobkii halkoodii ka sii wadeen.

Dhagabadan oo kamid ahaa saraakiishi shalay la canantay ayaa isana manata sheegay inay ka howlgalayaan xaalada amaan darro ee Afgoye ka jirta.

Amaan darrada ka jirta magaalada Afgooye ayaa gaartay heerkii ugu xumaa, ayadoona ay isku mid noqdeen habeenkii iyo maalintii oo dadka si isku mid ah loo furanayo.

Keydmedia Online - Xafiiska, Muqdisho