Ciidan Soomaali ah oo ku geeriyooday dagaalkii Itoobiya

Sida aan ku heleeno warar kala duwan oo soo baxaya, waxaa lasoo warinayaa in dagaalkii dowladda Itoobiya ku qaadday gobolka Tikreega ay ku geeriyoodeen Askar Soomaaliyeed

Warar Keydmedia Online
Ciidan Soomaali ah oo ku geeriyooday dagaalkii Itoobiya

ASMARA, Eratariya - Xogo hordhac ah oo ku saabsan dhalinyaro Soomaali ah oo tababar loogu qaaday dalka Eritrea ayaa soo baxaya kuwaasoo sida la sheegay hab qarsoodi ah in loogu qaaday dalka Itoobiya oo dhawaan uu ka dhacay dagaal culus kaasoo dowladda Itoobiya ay ugu magac dartay qorshaha nidaam soo celinta Itoobiyarr lagu baacsanayay TPLF.

Xogtaan oo laga helay ilo sirdoon oo kala ah Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ayaa tilmaameysa in dhimasho iyo dhaawac badan uu soo gaaray 900 oo ciidan Soomaali ah oo laga dagaal geliyay Xuduuda Itoobiya iyo Eritrea kadib dagaalkii Tigre ee todobaadyada qaatay.

Keydmedia Online ayaa macluumadkaan heshay labo todobaad kahor, laakiin baariitaan ku waday xaqiijinta warkaan. 

Dhimashada askarta ayaa lagu sheegay 370 Askari oo markoodii hore loogu qaaday waddanka Eratariya hab qarsoodi ah, ehelada askartaasi ayaa loo sheegay in waddanka Qadar loo qaadi doono si loo soo tababaro, waxaana dhallinyaradaasi oo u badnaa arday kasoo qalin jabisay dugsiyada sare la geeyay waddanka uu ka taliyo Keligii Taliyaha Afawarki.

Tirada askarta ayaa lagu qiyaasayaa in ay ka badan yihiin laban laab tirada askarta geeriyootay, waxaana dhaawaca dib loogu celiyay waddanka Eratariya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.