Ciidan cusub oo la dhigay duleedka Dhuusamareeb

Magaaladda waxaa la filayaa inay dhacdo doorashadda Xildhibaanada labada aqalka ee BFS.

Warar Keydmedia Online
Ciidan cusub oo la dhigay duleedka Dhuusamareeb

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Ciidan katirsan Gorgor, oo Turkiga uu tababaray ayaa maanta la dhigay duleedka magaaladda Dhuusamareeb, ee Caasimadda Galmudug.

Dowladda Soomaaliya ayaa askartan oo ka socda guutada 15aad ee Gorgor ugu tala-gashay inay amniga Dhuusamareeb oo dhawaan doorashada ka dhacaysa ay ka ilaaliyaan degaanka Bulacle, oo 30-KM uga beegan dhanka Bari.

Ciidanka ayaa saldhig ka sameystay degaanka la geeyay, waxaana Saraakiisha ay sheegeen inay fulin doonaan dhawaan howlgallo militeri oo ku wajahan degaanada Al-Shabaab ay maamusho iyo degmada Ceelbuur.

Waxay kusoo aadaysaa Ciidanka la geeyay duleedka Dhuusamareeb xili Maanta askarta dowladda iyo kuwa Galmudug ay la wareegeen Bacaadweyne, oo katirsan gobolka Mudug, halkaasoo dhowr jeer ay kasoo baxeen.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.