Ciidanka DANAB oo gudaha u galay Mubaarak

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa ay qabteen Ciidamada markii ay la wareegeen degaanka, oo horey u joogtay Al-Shabaab.

Warar Keydmedia Online
Ciidanka DANAB oo gudaha u galay Mubaarak

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada DANAB ayaa galabta gudaha u galay degaan muhiim ah, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose kaasoo ay mudo ka talinaysay Kooxda Al-Shabaab, wuxuna ku biirayaa goobo horey loola wareegay.

Tuulada Mubaarak ayay Ciidankan uu Mareykanka tababarey la wareegeen iyagoo wax dagaal ah la kulmin, laakiin waxay wararku sheegayaan in gaari walxaha qarxa lagu soo xiray iyo xubno katirsan Al-Shabaab lagu qabtey howlgal ay sameeyeen.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.