Ciidanka ilaaladda Deni oo Gabar dhalinyaro ah ku dilay Garoowe

Deni ayaa ku jira olole doorasho isagoo kasoo laabtay degmada Qardho oo shalay uga qeyb-galay isku soo baxa Ururkiisa Kaah.

Warar Keydmedia Online
Ciidanka ilaaladda Deni oo Gabar dhalinyaro ah ku dilay Garoowe

GAROWE, Soomaaliya - Ciidamada ilaalada gaarka ee Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid C/llaahi Deni, ayaa xalay magaaladda Garoowe ku diley Gabar dhalinyaro ahayd.

Allah ha u naxariistee waxaa lagu magaacabi jiray Maryan Axmed Caato. Dilkeeda ayaa yimid ka gadaal markii Gaari ay saarnayd uu dhexgalay Kolonyo gaadiid ah oo galbinayey Deni.

Dhowr xabadooda ayaa haleelay Gabadha, taasi oo sababtay geerida Maryan Axmed, oo kamid ahayd dhalinyarada ugu firfircoon Garoowe. Deni illa ahadda kama uusan hadlin dilkeeda.

Deni ayaa ku jira olole doorasho isagoo kasoo laabtay Qardho oo shalay uga qeyb-galay isku soo baxa Ururkiisa Kaah oo kamid ah 8 Urur siyaasadeed oo u tartamaya doorashadda golayaasha degaanka ee ka dhacaysa Puntland 25-ka bisha soo socota ee October.

Deni ayaa lagu eedeeyay inuu yahay kaligii-taliye aan dulqaad lahayd, isagoo ku fashilmay amniga Puntland oo intii uu joogey ay ka dhaceen qaraxayo waaweyn oo Mas'uuliyiin heer gobolka lagu dilay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.